Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay Nairobi kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Kenya, ayaa uga warbixiyay xaaladaha guud ee dalka isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay wax ka qabashada amniga, siyaasadda, dhameystirka dastuurka, iyo doorashooyinka.