Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay hawlgal kusoo qabatay 12 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo ay ku sheegtay inay qaabbilsanaayeen 'dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baadda ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka.