Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu booqasho rasmi ah ku tagi doono Shiinaha dabayaaqada toddobaadkan.
Midowga Yurub ayaa mabda’ ahaan isku raacay heshiis dhigaya in hantida laga xayiray Ruushka loo adeegsado hub loogu deeqayo Ukraine.
Ciidamada Israel ayaa ku sii durkay magaalada Rafah ee koonfurta Gaza Axadii shalay.
Dowladda Britain ayaa dadweynaha uga digtay roobab wata duufaano, iyada oo shalayna ay ahayd maalintii ugu kululeyd Britain taariikhda dhow ee la xusuusto.
Ciidamada badda ee Yurub ayaa Jimcihii xabsiga dhigay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah ka dib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed.
Kuwo kale